3 sheey muhiim ah oo aan ka baranay kulankii xalay

Arsenal ayaa xalay soo bandhigtay kubbad aad u wanaagsan oo u sahashay in ay si fudud uga adkaadaan koox ka mid ah kooxaha ugu waawayn qaaradda Yurub.

Kulankii xalay ayaa waxaan ku aragnay isbeddello dhowr ah oo muujiyay tayada kooxda heerka ay marayso iyo mustaqbalka oo ugu dambeyn aad ugu ifaya macallin Arteta iyo ciyaartooydiisa.

Saddexda sheey ee aan xalay ka baranay kulankaas aan horay ugu guda galo

Calafiori iyo Timber

Arteta ayaa xalay Calafiori kusoo bilaabay baalka midig ee daafaca ah maadaama uu wali dhaawac fudud ku maqanyahay Ben White. Timber ayaana sidoo kale ka cayaarayay dhanka bidix. Hadde ogoow labadani asalkoodu waa daafacyo dhexda ah haddana awooda in ay bidix ama midig ka cayaaraan. Waxaa sidaas camal ah Tomiyasu oo isna labada baal ka ciyaara kara, booskiisa saxdana ahaa daafac dhexe.

Tani waxay sii adkeeysay awoodda daafaca kooxda Arsenal, waana arrinta ugu muhiimsan ee kooxuhu u sahasho in ay qaadaan ama ku guulaystaan koobabka iyo horyaalada ugu waawayn.

Waa kulankii ugu horeeyay ee PSG laga adkaado

Awoodda Arsenal ayaa waxay PSG u muujisay in ay liidato. PSG waxay hoggaanka u haysaa horyaalka Faransiiska, waxayna ahaayeen koox form-keedu fadhiyo. Balse, markii ay yimaadeen hoyga Arsenal ee Emirates, waxay u muuqdeen kuwa aan waxba kala hoyan doonin.

Arteta ka hor, Arsenal waxay ahayd koox aan iska dhicin karin markay la kulmaan murqa-weynta Yurub. Haddase, waxaa la is weydiinayaa isbeddelka cusub ee ku yimid Arsenal.

Taageerayaasha kooxaha kale iyo warbaahinada kubbadda cagta ayaa aad u hadal hayo Arsenal iyaga oo ay hadda u caddaatay in Arsenal si rasmi ah ugu soo laabatay waayihii ay awoodda lahaayeen. Taas keliya maahan, hadda waxay u muuqataa in Arteta kooxdan uu dhisay ay ka ay noqon doonto kooxdii ugu horreysay ee Arsenal usoo hoysa koobka dhagaha weyn ee Champions League.

Kai Havertz

Isha ku haya King Kai. Kai ayaa wuxuu markale muujiyay in uu u qalmay lacagta badan ee Arteta ku bixiyay heshiiskiisa. Kai wuxuu ka mid yahay ciyaartooyda ugu muhiimsan kooxda. Dhankasta waa uu ka dhisanyahay, waana ciyaaryahay aad u dadaala, aan waxba ka hakranaynin kooxda. Waxay ilatahay in uu dhalin doono 20 gool iyo ka badan sanadkaan markii la isu geeyo tartamada dhan.

Maxaa kale?

Bukayo Saka ayaa dhaliyay Free-kick-tii ugu horreysay inkasto uusan qaabkaas in uu u dhaliyo uusan ugu talo galin. Bukayo ayaa wuxuu wajahay daafaca Nuno Mendes oo runtii ah daafac aad iyo aad u wanaagsan.  Balse ugu dambeyn waxaa ii muuqata sidaa rabto u adkoow Bukayo kulan walba wuxuu ku yeelanayaa Saamayn weyn. Wuxuu ku faraxsanaa in uu ahaa Kabtanka kooxda isagoo sheegay in ay tahay riyo u rumoowday in uu kooxda isagoo hogaaminaayo lasoo galo garoonka ciyaar champions league ah.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *