3 Sheey oo Dhici Kara Kulanka Axadda

Waan Ku Salaamay, Kusoo Dhawoow Arsenal Somali Fans

________________________________________________________________________________________________

 

Waxaa maanta lagu ballansan yahay Wembley iyo koobkii lagu furaayay tartan ciyaareedka horyaalka Ingiriiska oo ay ku kulmi doonaan Arsenal iyo Manchester City.

Manchester City ayaa sanadkii xilli ciyaareedkii tegey nooga guuleysatay qaabab kala duwan inkasta oo ay Arsenal soo bandhigtay kubbad fiican, balse khibradda iyo ciyaartooyda tayada leh ee Man City ayaa u sahlay in ay qaataan dhibcaha.

Sanadkaan waxay aad ugu badan tahay in aan fara kulul isa saari doonno maadaama ay khibradi noo korortay, awoodna lagu daray dhanka tayada ee khadka dhexe.

Sidaa darteed, maxaa dhici kara kulanka maanta?

 

1- Tijaabooyinka oo sii socon doonna

  • Arteta ayaa haysta squad ama ciyaartooy aad u badan oo dhammaan haysta ama uu ka heli karo waxyaalo kala duwan dhanka taatikada. Arsenal waxaa u dhan daafaca iyo khadka dhexe, weerarka ayaa nasiib xumo lagu arki doonin Gabriel Jesus dhaawaca dartiis.

2- Kulanka maahan saaxiibtinimo

  • Waxaad filataa kulan aad u adag.
  • Kulankan waxaa jiri doonta in si rasmi ah ay isu tijaabiyaan awoodaha kooxahan. Arteta ayay u muuqataa in uu si adag isugu diyaarin doonno isaga oo rajeynaayo in uu helo natiijo fiican. Waxaan aaminsanahay in ay suurto gal tahay in aan heli doonno natiijo muhiim ah haddii aan u ciyaarno qaabkii aan uga hortagnay Barcelona.

3- Kulanka loo soo gatay Havertz

  • Havertz ayaa wali waxay dad badani is weydiinayaan Havertz sababta ay Arsenal uga bixisay lacagta intaas la’eg. Tababare Arteta dhowr nooc ayuu ilaa iyo hadda u ciyaarsiiyay, goolalna waa uu dhaliyaya. Arteta ayaa sheegay in Havertz uu dhinaca weerarka leeyahay tayo kooxda ka maqneed oo uu uga faaiideyn karo qaab ciyaareedka kooxda.
  • Havertz waa dhaliye aad u fiican, yeysan ku qaldin sanadkii hore iyo Chelsea, dhibaatadaas waxaa ka wada sinnaa kooxdaas oo dhan.

 

Qaabkee buu u ciyaari karaa Havertz? 

  • Kubbada kor uga timaada wuu ku filan yahay in uu qabsado, dajisto, weerarkana kasii wado meeshaas. Waxaa u sababaysa dhererkiisa, kubbaddaas kore waxaa soo tuura mar walba goolhayaha waxaana looga soo baxsadaaa presska hore ama raacashada weeraryahanada kooxda kale, waxayna sahlaysaa in si deg deg ah weerar dhinaca kala ah loogu qaado ama counter attack. Sanadkii hore middaas ayay noo isticmaaleen iyada oo Haaland ay u tuurayeen kubbadda, ka dibna, isaga iyo KDB si ilbiriqsiyo ah goosheena u tagayeen. Havertz taatikadaas ayuu noo sahlayaa in aan isticmaalno.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *