Arsenal players celebrating

5 sheey oo aan xalay ka baranay kulankii Arsenal

Xulkii ugu horreeyay Arsene Wenger Ka dib – (37 sano)

Arsenal ayaa xalay waxay soo saftay 11 ciyaartooy oo uusan ku jirin ciyaaryahan u saftay tababarihii hore Arsene Wenger. Granit Xhaka ayaa lagu dhaafay kursiga keydka markii ugu horreysay xilli ciyaareedkan Premier League. Waxayna noqotay markii ugu horreysay xulka Arsenal uusan kasoo muuqanin ciyaartooy kasoo jeedda xilligii Arsene Wenger muddo dhan 37 sano. Arrintan ayaa si dhab ah u muujinaysa bogga cusub ee taariikh ee Arsenal u bilaabmay.

Quusasho la’aan

Arsenal ayaa sanadkan kulamo badan u suurto gashay aakhiro saac in ay badiyaan. Arrintan ayaa muujinaysa isbaddalka maskaxeed ee abuurmay kooxdan kaas oo siiyay ciyaartoyda niyad-adayg ay iskaga celiyaan wax niyad jab ah oo keeni kara inay quustaan. Waxaan marqaati ka nahay dhowr sano ka hor suurto gal uma ahayn Arsenal in ay badiso kulan noocan camal ah. Bournmouth si adag ayay u difaacatay, waxayna haysteen fursad aad u weyn ee ku qaataan dhibcaha dhan. Balse, waxaa helay koox aan garanaynin wax quusasho la dhoho.

Miraha Hale End

Goolkii koowaad ee horseeday soo noqoshada oo uu dhaliyay Partey waxaa madax kusoo baasay ama ugu dhigay Smith-Rowe, Halka goolkii labaad ee bareejada uu keenay Reis Nelson, Kii badiskana sidoo kale waxaa shabaqa ku hubsaday Nelson. Hale End oo ah meesha lagu soo saaro xidigaha Arsenal ayaa mar kale mirihiisa la macaansaday xalay. Nelson ayaa kusoo biiray kooxda isaga oo da’diisu aad u yarad oo jiray 8 sano keliya. Xalayna wuxuu dhaliyay gool ay muhiimaddiisu aad uga weynaan karto sida ay hadda tahay.

Arteta oo maamul sarreeya sameeyay

Tababare Arteta ayaa sameeyay maamul aad u sarreeyay kulankii xalay isagoo ku guuleystay in ay si fiican u shaqeeyan isbaddaladii uu sameeyay. Tomiyasu wuxuu aad ugu fiican yahay difaaca, wax badan maka sugeysid in uu kugu soo kordhiyo dhinaca weerarka. Waxaa aad uga gacan sarreeya White, sidaa darteed, Arteta wakhti badan muusan iska dhumini oo wareegii labaad ba wuxuu kusoo tuuray White kaas oo dhaliyay goolkii bareejada. Arteta wuxuu u baahday nin baalka bidix nin xooga saara oo 1v1 kasoo shaqeeysta, wuxuu ogaa inuu haysto Reis Nelson, wuxuu saaray Smith Rowe ayuu saaray kuna soo tuuray Nelson.

Arteta wuxuu xoogga saaray waxa ay kooxda daqiiqadaas u baahnayd. Ma uusan ka fikirin ciyaartooyda iyo dareenkooda. Ogoow Smith-Rowe isagaaba badal kusoo galay kaambiyihii hore markii Trossard xoogaa dhaawac soo gaaray. Sidoo kale, Smith Rowe hadda dhow ayuu kasoo laabtay dhaawac muddo dheer uu la maqnaa mana ahan inuu ciyaaro muddo saacad kabadan inta uu kasoo kabsanaayo. Arteta ayaa dhinacaasna ilaalinayay caafimaadka ciyaaryahanadiisa xittaa isagoo u baahnaa inuu sii ciyaaro.

Isbeddelka niyadda taageeraha Emirates

Waxaan xalay ogaaday in uu isbeddel weyn ku dhacay taageeraha kooxda. Waxaan dareemayay xalay in qof walba uu niyad u hayay in ay ciyaartoyda keeni karaan goolka guusha xittaa ha noqoto ilbiriqsiyadii ugu dambeeyeen. Waxay u joogeen oo ay u muujiyeen taageeridda iyo dhiiri gelinta ay ciyaartoyda u baahnaayeen, taas oo ugu dambeyn u sahashay in ay helaan goolkii guusha.

Waxaa dunida dhan ka dabaal dagay taageerayaasha Arsenal.

Halkan hoose waxaad ka arki kartaa muuqaallo kala duwan oo muujinaya farxadda goolkii Nelson uu siiyay taageeraha Arsenal.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *