Qaabka ay Arsenal u garaacday Everton – Taaktikada-

Everton waxay ahayd kooxda keliya ee si la yaab leh uga adkaato Arsenal sanadkan, waxaana u sahlay sababo dhowr ah. Waxaana ka mid ahaa, tababare Dyche oo markaas qabtay, caanna ku ah in uu kooxaha sida Arsenal daafac adag la ciyaaro. Goodison park oo tadabaraha cusub dartiis rajadooda soo laabatay iyo in ay haystaan ciyaartooy aad ugu fiican kubbadda iyo taaktikada uu tababarahooda cusub jecel yahay in uu ciyaaro.

Khadka dhexe ee Everton waxaa safta Onana, Gueye iyo Doucoure oo ah niman lafa waaweyn, dhiri, orod iyo awoodba leh. Kulankii koowaad waxay ku guuleysteen in ay khadka dhexe ee Arsenal meeshaba ka saaraan. Arsenal ayaa u baahnayd si ay uga adkaato xoogsheegashada khadka dhexe ee Everton in ay la yimaadaan firfircooni kubbadda, baasas fudud iyo in kubbadda wax badan ba lugta lagu heynin oo laga war wareegto. Khaladaad kubbadda la sameynin, sida baas la gafo, ama kubbadda si fudud lagaaga qaato iyo wixii la mid ah.

Arsenal xalay waxay ka aargudsatay kooxda Everton oo dhowr usbuuc ka hor si lama filaan ah uga adkaatay kooxda Arsenal iyaga oo ku ciyaaraya gurigooda Goodison park. Balse, xalay waxaan aragnay in tababare Arteta uu si aad u sarreysa uu isugu soo diyaariyay. Everton ayaa waxay ku guulaysatay 30-kii daqiiqo ugu horreeyay in ay Arsenal u diidan kubbadda oo wax badan dhulka lagu hayo, waxay ku tashanayeen nimanka dheedheer ee khadkooda dhexe in ay Arsenal ka khasaan in ay hesho ama raadiso daldalool daafacooda ah si ay u helaan gool.

Waxaa xusid mudan in ay Everton heleen fursado yar yar balse difaaca Arsenal ayaa shaqadooda si fiican u gutay. Gabriel iyo Saliba iyo Goolhaye Ramsdale ayaa maalmahan aad isu adkeeyeen waxayna xalay suurto galiyeen in aan la taabanin shabaqa kooxda Arsenal.

Balse, Arsenal ayaa ku guulaysatay in ay kubbadda si fiican ula wareegaan 10 kii daqiiqo ee ugu dambeesay ciyaarta ka dibna u suurto gashay in ay marba dhinac isugu aruuriyaan baalayaasha si ay u jabiyaan raacashada nin-nin-ka ah ee Everton ay ku beegsanaysay weerarada kooxda Arsenal.

Taaktikada ayaa waxay ahayd, in hal dhinac la isugu aruuriyo, si tiro ahaan looga bato ka dibna lagu kalifo difaacyadooda iyo raggooda khadka dhexe in ay baneeyaan boosaska ay ceshanayeen. Sidaas ayaa Zinchenko ku helay Saka oo boos banaan daafacyada gadaashooda taagan, durbadiina baas macaan u dhigay, ka dibna Saka ayaa shabaqa ku ogaaday kubbaddii.

Run ahaantii Saka goolasha noocaas ah sanadkan dhowr mar ayuu dhaliyay waliba isaga oo isticmaalaya labadiisa lug tan liidata isagoo darbo awood leh ku tuuraya.

Qaytii labaad ee ciyaarta waxaa si toosa ula wareegtay kooxda Arsenal, waxayna soo bandhigeen kubbaddii ugu macaanayd ee waayahan ba lagu arko Garoonka Emirates. Shaqadii loo baahnaa oo ahayd in aan loo ogolaanin wax fursad ah, goolashana la badsado ayeey ciyaartoyda si fiican uga soo bexeen. Everton kubbaddaba waa qaadan kari waayeen, waa la daaliyay, ka dibna laba gool loogu daray.

Arsenal ayaa hadda 5 dhibcood ku wadda horyaalka, waxaana muhiim ah in sidaa lagu waddo howsha ilaa kulanka Man City. Waxaa muhiim ah kulanka Man City in aan is aragnaa innagoo ka horreyna ugu yaraan 5 dhibcood oo xittaa haddii ay badiyaan aysan noqonin in ay hoggaanka nagala wareegaan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *