3 sheey oo aan ka baranay kulankii xalay ee Arsenal

Keydka Arsenal oo la liita dhaawacyada

Xalay waxaan aragnay in Arteta uu soo safay weerar ka kooban Saka, Martineli iyo Reiss Nelson. Waxayna u badan tahay in ahayd shaxda keliya ee u banaan in uu isticmaalo maadaama ciyaartooydii safan lahaa kulankan ay dhaawac ku maqan yihiin. Waa Nketiah, Trossard oo la safan lahaa Reiss Nelson.

Zinchenko ayaa isagana lagu soo bilaabay booskii uu ka ciyaari lahaa Tierney maadaama uu isna dhaawac galay inkasta oo aan filayo in uu yahay dhaawac fudud.

Haddii si loo fiiriyo, Keydka aad uma liito balse waxaa liciifiyay dhaawacyo badan oo soo gaaray ciyaartooyda taas oo kaliftay in uu tababaraha isku shaandheeyo ciyaartooyda.

Goolasha Madaxa

Xilli ciyaareedkii hore iyo horraantii xilli ciyaareedkan ba waxaa caddeyd in Arsenal ay aad ugu fiicnayd difaacashada koornooyinka iyo laadadka xorta ah ayna aad u yarayd in laga dhaliyo goolal madax ah. Balse usbuucyadan dambe waxaan aragnaa in xoogaa goolasha madaxa ay naga dhalanayaan.

Goolkii koowaad ee sporting ayaa xalay aad u muujiyay arrintan. Haddii aad aragtid, ninkii dhaliyay wuxuu helay gool free iska ah oo cid raacatay iyo cid u dhawaydba jirin.

Waxaan aaminsanahay in arrintan si deg deg ah wax looga qaban doonno.

Daafaca cusub Kiwior ayaa xalay lagu soo bilaabay booskii Gabby. Waxay ila tahay in uu si fiican u ciyaaray balse dabcan uusan ahayn boqolkiiba boqol. Waxaa sidoo kale muuqatay in uu aad u aamusnaa ama sidii la rabay aysan u wada hadleenin isaga iyo difaacyada kale iyo gool haya. Arrintan waxay xittaa keenta khalad khatar ahaa balse laga bad baaday. Wiilka waa cusub yahay, baasaskiisa aad ayeey u fiicnaayeen. Waxay ila tahay in uu aad inoo anfici doono, wakhtigiisa ayuu qaadanayaa kooxdana tartiib ayuu ugu soo biiri doonnaa.

Qaab ciyaareed rasmi ah

Waxaa xalay aad u muuqatay in ay Arsenal ugu dambeyn yeelatay aqoonsi qaab ciyaareeed oo rasmi ah. Waxay Arsenal hiddo iyo dhaqan u leheed in ay soo bandhigto kubbad daawashadeedu aad u macaan tahay. Arteta ayaa ku guulaystay in uu dib ugu celiyo kubbadda kooxda wakhtigii Arsene Wenger.

Xittaa haddii uu tababaraha sameeyo kala baddal ciyaartooy, waxaa aad u fadhiya system-ka ama qaab ciyaareedka kooxda. Sidaa darteed, Arsenal hal qaab bay u ciyaaraysaa iyadoonan loo joojinaynin ciyaartooyda garoonka ku jirta ama kuwa aan ku jirin.

Waxaad arki doontaan anagoonan dareemin in uu Arteta dhiso 11 iyo 11 kale oo aanan ka liidanin. Boos walba laba ciyaartooy oo world class ah ayuu u samayn doonaa. Waxaanna arki doonnaa Arsenal oo la leeyahay keydkeeda iyo kuwa ciyaaraya makala liitaan sida Man City hadda tahay.

Hadda ayeeyba arrintaas sii bilaabatay, Trossard, Vieira, Smith-Rowe, Reiss Nelson oon aaminsahay inuu balaayo noqon doonno. Labo mar kale oo suuqa aan galno ayaa naga xigto keydkii ugu adkaa oo aan yeelano.

One thought on “3 sheey oo aan ka baranay kulankii xalay ee Arsenal

  1. Nio wa sda aad shegteen arsenal way so koraysaa lkn runtii ciyartawda waxy ubahan yihin in si fcn loo dhamystiro waa in nin walba booskisa laba coyartaw ufadhidaa yarkn cusubna wan arki dona wuxu sameyo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *