Arsenal 4-1 Crystal Palace: 3 Sheey aan ka baranay guushii shalay

Arsenal ayaa shalay soo bandhigtay kubbadd miisaanka culus ah oo aad aa loogu bogay. Waxaa u suurto gashay in ay dhaliyaan 4 gool iyo hal, inkasta oo ay fiicnayd in aan gool laga dhalinin, balse muhiimadda ayaa ahayd in ay goolal badan dhaliyaan. Dhibcaha hogaanka ayay Arsenal geesatay meel sii yara fog oo ah 8 dhibcood, waxaana ay rajadu tahay in aan kasii fogaan doonno Man City.

Rob Holding sidaas uma sii xuma

Taageerayaasha Arsenal ayaa walaac badan ka muujinayay dhaawaca soo gaaray difaacyada kala ah Saliba iyo Tomiyasu, taas oo khasabtay in uu booska sii buuxiyo ciyaaryahan Rob Holding.

Maxaa Keenay welwel ka?

Qaab ciyaareedka Arsenal ayaa aad muhiim ugu ah ciyaaryahan walba in uu yahay waxa loo yaqaano ”technically secure” oo ah in ciyaaryahanka uu ku kalsoon yahay kubbadda. Waa in uu is furdaamin karo haddii raacasho loogu cararo, waa in uusan khal khalin, kubbaddana aan laga qaadan karin. Difaacyada dhan ee Arsenal waa sidaas, technical security bay leeyihiin, sidaa doonto u raaco, kubbadda nin walbaa wuu is furdaamin karaa oo raacashada waxay kaga soo gudbaan iyaga oo kubbadda dhulka ku wata.

Tani waxay u suurto gelisaa weerar qaabaysan in ay qaadaan. Weerarada ay soo bilaabaan difaaca, kuwaas oo baas iyo kubbadd degan looga gudbo raacashada ayaa mar waliba sababa xaalado weerar oo halis ah.

Sidaas darteed, nidaamka Arsenal ayaa mar walba u baahan ciyaartooyda lugtooda kalsoonida ku qabta. Rob Holding ayaa dhinacaas tabartiisu xooga ku yartahay, waxaana dhici jirtay in marar badan kubbadda khal khal geliyo, taas oo khatar keeni karta.

Nidaamka Arsenal ayaa sidoo kale ku dhisan in ay ka difaacdaan wajiga, waxayna daafaca ka xirta meel aa uga durugsan gooshooda. Difaacyada ayaana leh howsha ay in ay meeshaas kore ka ilaashadaa wixii soo aada. Arrinta koowaadna waa in kubbadda lagaa dafi karin.

Rob Holding ayaa si aad u wanaagsan uga soo baxay shaqadii loo diray shalay, khalad saameyn leh muusan samaynin. Wuxuuse ku guuleystay in uu kubbaddo weerar ah oo aad u fiican sameeyay.

Waxaa meesha ka muuqatay horumar uu ka sameeyay qaab ciyaareedkiisa. Maadaama uu mar walba tababar la qaato kooxda, Artetana caan ku yahay in uu ciyaartooyda horumariyo, in uu aad uga faaiideystay. Ogoow Rob Holding waa difaaca shanaad ee khadka dhexe markii loo fiiriyo qaabka xulashada. Waa nin iskaga qanacsan booskiisa, aadna looga jecel yahay naadiga. Xusuuso Holding shaqada ugu muhiimsan uu qabto waa markaan difaacanayno hal gool oo ciyaartuna dhamaad tahay, Holding baa loo soo dhiibaa qufulka si uu usoo xiro, aad ayuuna uga soo baxaa shaqadaas.

Goolasha Arsenal

Arsenal ayaa bilaawday in ay dhaliyaan goolal badan kulamadii ugu dambeeyay, goolashaas oo ka kala imaanayay dhammaan ciyaartooyda weerarka iyo khadka dhexe ee Arsenal. Arrintan ayaa laba sabab muhiim ugu ah tartanka kama dambaysta ah ee hadda u bilaabmay kooxda.

Koow, waxaa suurto gal ahba in goolal darteed lagu kala qaado horyaalka, sidaas darteedna waa in aan Man City ka hormarnaa dhinacaas. Hadda waxaan leenahay 40, iyagana 42. Waxaan ku qoslay kooxda saddexaad oo goolasha ay wadato: 6.

Laba, goolasha badan oo ay dhalinaayaan ciyaartooyda badan ee kala duwan waxay sahlaysaa ama kor u qaadeysa fursada gool dhalinta ee kooxda kulamada soo socda noocee rabaan ha ahaadaane. Matalan, Man City Haaland bay korka ka wada saaran yihiin, haaland haddii la qabto, goolashooda meesha kale ay ka imaan karaan ayaa aad u yaraanaysa. Balse, Arsenal ayaa weerar dhammaantood goolal dhaliya, waana adagtahay qaabka la iskaga qaban karo.

Qaab ciyaareedka Arsenal – Kubbadda miisaanka culus

Kubbadda Arsenal ayaa aad loogu bogay sanadkaan. Arteta ayaa ku guuleystay in uu Arsenal dib ugu soo celiyo kubbaddii macaanayd oo aad loogu yaqiinay. kulan kasta kan ku xigo waxaan aragnaa horumar weyn oo ay kooxda samayneeso.

Taageerayaasha kooxaha kale ayay u muuqataa in ay aad ula dhacsan yihiin qaab ciyaareedka ay Arsenal soo bandhigto, xittaa haday dhibeyso horumarka ay Arsenal sameyneeso, balse, waxaa ka xoog badan kubbadda macaan oo ay soo bandhigaan ciyaartooyda Arteta.

Waxaan daawaday falanqayn uu sameeyay Shaba Laala, wuxuu aad u amaanay kubbadda macaan ee Arsenal isaga oo sheegay in uu aad ugu raaxeystay.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *