3 sheey oo sababi karta in uu Mbappe ku biiro Arsenal

Kylian Mbappe

Waxaa si rasmi ah u furmi doonna suuqa kala iibsiga ee England iyo Scotland berito oo ah Arbaca hadduu Alle idmo, halka kan caalamiga ahi uu furmi doono billowga bisha soo socota.

Arsenal ayaa si hadal haynteedu aad u socotaa maadaama ay heshiisyo muhiim ah rabaan in ay wakhti horeba sii galaan, taas ayaa ka caawin doonta Arteta in uu diyaar garoowga horyaalka cusub uu la sii bilaabo ciyaartooydiisa cusub.

Xiddigga reer Fransa ee magaciisu yahay Kylian Mbappe ayaa ka dhawaajiyay in uusan sii joogi doonin kooxda PSG ee dalkaasi Faransiiska. Arrintan ayaa suuqa kala iibsiga iyo taageerayaasha caalamkaba ka dhex abuurtay hadal hayn aad u weyn.

Horyaalka ingiriiska ayaa u muuqda in uu yahay halkii uu ku nasan lahaa Mbappe maadaama uu yahay horyaalka ugu awoodda iyo lacagta badan. Waxaa sidoo kale adag xafiltanka ka dhaxeeya kooxaha Premier League markii loo bar bar dhigo Spain iyo Italy.

Barcelona iyo Real Madrid ayaa u eg in ay haysan awood soo jiidasho in kasta oo Real Madrid aan marnaba dhayalsan karin, balse Barcelona ayaa waxaa haysata kharash darro ba’an, taas ayaana ku kalifaysa in aysan soo haweysanin Kylian Mbappe.

Haaland oo ah ninka ay xafiltanka adag kala dhexeeyaan ayaa u muuqda in uu ka talaabo dheereeyay Mbappe maadaama uu sanadkan guulal waawayn soo hoyay.

Mbappe wuxuu aadi doonna koox ingiriiska ama Real Madrid, labadaas meel aan ahayn uma socdo.

Hadde Ingiriiska yeeey kula tahay in uu ku biiri doonno? 

Man City waxaa jooga Haaland, sidaas darteed waa ay adag tahay in uu ku biiro, balse ogoow Man City waa kooxda ugu awoodda badan, uguna lacagta badan wakhtigaan. Ma laga yaabaa in ay qaataan? u malayn maayo, balse waa suurto gal.

Man United? Wax xiiso ah oo ay leedahay Man United wakhtigan malaha, maadaama ay awoodoodu hoos jirto aysanna u ekeyn in ay horyaal u tartami karaan sanadka dambe.

Liverpool waa ay xiiso gelin kartaa balse lacag ay kula soo wareegaan ma haystaan.

Chelsea ka hadal hadda umaba banaana

Kroekne Sports & Entertainment (KSE)

Arsenal ayaa u muuqata in ay ku jiraan boos muhiim ah saddex sababna ay yeeli karto in ay si lama filaan ah u qaadato Mbappe

1- Mashruuca Arsenal ayaa gabo gabo maraya, waxayna diyaar u yihiin ay cagta cagta u saaraan kooxda Man City. Waxay ahaayeen kooxda keliya ah ee horyaalka kula tartantay Man City xilli-ciyaareedkii lasoo dhaafay

2- Mashruuca Arsenal ayaa wata ciyaartooy tayadooda aad u sarraysa, tababare taaktikadiisu adduunka ka yaabay oo dhalinyaro ah. Waxayna u muuqataa mashruuca Arsenal in uu yahay mid miro dhal fiican samayn doonna, walibana shaqayn doonna muddo dheer.

3- Arsenal ninka iskaleh waa Bilyaneer Ameerikaan ah, waa nin ku takhasusay ciyaaraha noocyadooda kala duwan. Shirkadda KSE waxaa ay leedahay 5 kooxood oo Ameerikaan ah iyo Kooxda Arsenal.

Kooxaha uu leeyahay waxay kala yihiin: Los Angeles Rams · Denver Nuggets · Colorado Avalanche · Colorado Rapids · Colorado Mammoth

Labadii sano ee u dambeeysay kooxihiisu waxay qaadeen koobabka ugu waaweyn ee North Amerika.

Xalay ayaa ugu dambeesay oo Denver Nuggets ku guulaysatay koobka kubbadda kolayga.

Super Bowl ayee kooxdiisa Los Angeles Rams qaaday sanadkii hore

Isla sanadkii hore kooxdiisa Colorado Avalanche ayaa ku guulaysatay koobka NHL Stanley Cup

 

Halkan waxaa kaaga baxaya kooxda Arsenal iyo hoggaankeedaba in ay yihiin rag wata qorsho fiican.

 

Fiiro gaar ah:

KSE markii ay too ula wareegtay lahaanshaha Arsenal ayeey bilaabeen in ay wax qabtaan, intii ka horeysay kooxda ma aysan wada lahayn oo shirko ayaa lagu ahaa, sidaas darteed gacmaha waa u laabnaayeen, markaas ayaana ahayd markii ay taageerayaashu ku kacsanaan jireen.

 

Fikirkaaga ka dhiibo!

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *