Arrinta uu ku tilmaamay Arteta maxay tahay? Waa ciyaaryahan Arsenal

Laacib Reis Nelson ayaa amaan la dul dhacay tababarahiisa Mikel Arteta, isaga oo ku tilmaamay in uu yahay nin aad u caqli badan oo kubbaddana macalin ku ah.

“Arteta waa genius, waa cabsi cabsi haddii aad ka fakartid qaabka uu wax u arko.”

“Wax walba si ka duwan dadka caadiga ah ayuu u arkaa, xaalad kasta qaab sawir camal ah ayeey madaxiisa ugu jirtaa. Tusaale, baas aad daafacaaga u baastid ayuu kaa saxaayaa, wuxuu ku tusaayaa wax aadan ka fikiri jirin, sida in aad joogtid zone-ka saxda ah ee bidix markaa u baaseesid si uu bidixda ugu qabsado ka dibna dhanka midig ee dhexda ugu sii baaso si aan kubbadda looga qaadanin.”

“Waxaan galnaa kulamo badan oo uu noo sharxaayo qaabka aan iskula shaqeenlaheen team ahaan markii aan ku jirno garoonka. ka dibna garoonka tababarka ayaan ku sameeynaa waxa uu noo sheego si aan isula qabsano.”

“Mararka qaar wey adagtahay marka aad 5 daqiiqo keliya soo gashid garoonka, waxyaabo badan ma sameen kartid sida in aad daafaca u goysid ama aad farsamaysatid waxaa halis ah in kubbadda lagaa qaato, balse markii ay jirtay xaalad muhiim ah sida in liiga uu miiska saaran yahay, waan isku dayaayay in aan wax farsameysto oo maan ka baqeynin in kubbadda la iga qaato.”

“Arteta markaas camal ma diidaayo in qatar la yara qaato maadaamo faaiido badani ka imaan karto, oo kulankii Bournmouth wuxuu i dhahay, wax walba aad sameyn kartid sameey, waxba igama gelin haddii kubbadda aad lumisid, markale isku day.”

“Waxaa laga yaabaa tababarayaasha kale in ay ka baqaan qatar in laqaato, balse Arteta kama cabsado waxaas.”

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *