3 Sheey oo xiiso leh ayaan aragnay – (Arsenal 4-1 Man City -P-)

Waan ku salamaay, kusoo dhawoow Arsenal Somali Fans.

Arsenal ayaa ku guulaysatay koobka daahfurka ee horyaalka ingiriiska sanadkan iyadoo 4-1 rigooreyaal ah uga adkaatay Manchester City.

Waxaan ka baranay saddex sheey oo aad muhiim u ah.

 

1- Arsenal waxay soo afjartay guuldaradii isdaba joogga ahayd ee Man City

  • Arsenal ayaa ugu dambayn caawa soo afjartay guuldarradii badnaynd oo sanadihii lasoo dhaafay kasoo gaari jirtay kooxda Manchester City. Manchester City ayaa xaqiijisan lahayd goortii sagaalaad ee isku xigta oo ay ka badiyaan kooxda Arsenal, nasiib wanaag uma aysan suurtogelin. Waxaa farxad leh in ay waliba Arsenal soo aftjartay iyada oo ka qaaday koob ka mid ah kuwa ugu caansan ee waddanka inigiriiska. (Wuxuu u dhigmaa super cup-ka spain)

2- Niyad adayg iyo Kalsooni

  • Waa damiir cusub, dhiig cusub, niyad adayg cusub.
  • Arsenal ayaa soo bandhigtay kubbad aad u macaan, waxay sidoo kale soo bandhigtay awood aan horay looga baranin markay la ciyaaraan Manchester City. Waxaan aragnay Arsenal oo kubbadda ka haysata Man City, Arsenal oo Man City gooshooda gadaal ugu riixday ka dibna ku dul raasanaysay gool.
  • Ka dib markii looga horumaray goolka, Arsenal ayaa cadaadiskii ugu adkaa Man City saartay, waa cadaadis aysan Man City aqoon u lahayn maadaama noocaas ay iyaga uun ay saaraan kooxaha balse aan iyada la saarin. Arsenal ayaa diidday in ay ka quusato goolka bar bar dhaca ah, waxaana suurto gashay in ay helaan daqiiqaddii ugu dambeysay. Bal fikir oo soo xasuuso Arsenal oo dadaalkaas iyo cadaadiskaas saarto Manchester City? Ma jirto, sanadahaanba ma dhicin.

3- Kai Havertz

  • Kai Havertz ayaa soo bandhigay kubbad aad u wanaagsan isaga oo kasoo baxay howshii loo dirsaday. Waxaan qoraal hore idiinkugu sheegnay in Kai Havertz loo soo iibiyay kulamada sida Manchester City. Wuxuu ku guulaystay kubbadda kor loo soo tuuro in uu qabsado, ka dibna weerarka ka bilaabo gudaha haafka Manchester City, waa waxa ay nagu sameynayeen si ay uga baxsadaan raacashadeena iyaga oo isticmaalayay Haaland. Sidaas ayaan dhowr jeer uga baxsanay press-ka Man City.
  • Havertz ayaa sidoo kale helay fursado qaali ah kuwaas oo goolhayaha Man City uu bad baadsaday.

 

Farxaddan ayaa horseedeysa in aan rajo aad u weyn ka yeelano horyaalka cusub ee bilaabmaya usbuuca dambe Insha Allah.

 

Guuleysta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *