Sagna: Havertz waxay isku qaab yihiin sida laacib hore ee Arsenal! Waa kuma?

Waan ku Salaamay, Kusoo dhawoow Arsenal Somali Fans.

 

Bacary Sagna waa laacib hore oo Arsenal uga ciyaari jiray dhanka midig ee difaaca ayaa fikirkiisa ka dhiibtay ciyaartooyda cusub ee Arsenal.

Isaga oo la hadlaya Paddy Power ayaa wuxuu yiri:

 

” Havertz waan u baqaayay in xoog loo sheegto maadaama uu kasoo horjeeday difaacyo dhaadheer oo ah rag xoog badan, balse waa nin caqli badan. Si fiican ayuu u buuxiyay booska number 9 oo uu ka ciyaaray kulankii Manchester City.”

“Wuxuu si wanaagsan u isticmaalay jirkiisa, qaabka uu kubbadda u ceshaday iyo dhaq dhaqaaqyada uu sameeyay, wuxuu sahlay fursado, wuxuu sameeyay fursado qaali ah, xittaa gool ama laba wuu dhalin karay balse waa suurto geli weysay.”

“Wuxuu u ciyaaraa sidaan ku aqaanay Robin Van Persie, Jirkiisa ayuu si clever ah u isticmaalaa, waa uu soo karoosi karaa, farsamooyinka kubbadda wuu ku fiican yahay.”

 

Bacary Sagna ayaa ka mid ahaa ciyaartooydii Arsenal ka tagtay oo ku biirtay kooxda Manchester City, balse taageerayaasha Arsenal ayaan wax nacayb ah u qabin Sagna sida ay ugu qabaan Robin Van Persie. Sababtuna waxay tahay, Manchester City weligeed maysan ahayn koox Arsenal la tartanta ama ay xifaaltamaan. Xittaa hadda oo ay yihiin kooxda ugu awoodda badan, waxaa ka weyn xifaaltanka ka dhexeeya Arsenal iyo Manchester United.

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *