Harry Kane iyo Arsenal Maxaa dhex maray? Dib ma ugu biiri doonaa? Halkan ka ogoow!

Waan ku salaamay, Kusoo dhawoow Arsenal Somali Fans

 

Taageero khadka taleefanka kula hadlayay Talksport ayaa ku baaqay in Arsenal lasoo wareegto weeraryahanka reer Tottenham Harry Kane.

Kane ayaa si culus loogu wadaa in uu sanadkan ka tago kooxdiisa Tottenham Hotspur oo ah rival-ka ugu weyn ee London dariska la ah kooxda Arsenal.

In uu Arsenal ku biiro ayaa dad badani aaminsanyihiin in aysan sinnaba u dhici karin maadaam labada kooxood ay si aad ah u xifaltamaan, waxaana meesha ku kala dhiman doonno taageerayaasha Tottenham, maamulkooda iyo Harry Kane, waa haddii uu ku dhaqaaqo falkan.

Taageeraha Tottenham ayaa weli xasuusta taariikhda madoow ee ay kala kulmeen daafacii ay soo korsadeen, balse markuu noqday World Class ku biiray kooxda ay ugu necebyihiin adduunka, kuwaas oo uu taariikho waawayn la sameeyay.

Sol Campbell ayaa xirfaddiisa kusoo bilaabay kooxda Tottenham, wuxuu u ciyaarayay muddo sagaal sano ah, balse, si lama filaan ay ayaa Arsenal u shukaamisay, uguna wareegay iyada oon la filanaynin sanadkii 2001. Waxaa arrinkan aamini waayeen Taageerayaasha Tottenham oo ilaa hadda cuqdad u qaba.

Harry Kane ma ku daysan doonaa Sol Campbell?

Harry Kane ayaa ku biiray Hale end isaga oo yar, balse hal season keliya ayuu la joogay Arsenal. Maamulkii Academy-ga ayaa go’aansadeen in uusan mustaqbal kubbad yeelan doonin. Waxay u arkeen in uu yahay cunug iska yara jil jilcan oo aan u dhalanin ad-adayg lagu sii wadi karo..

Roy Massey oo mas’uuliyaddaas lahaa ayaa wuxuu yiri: ” Waxaan isugu wacay waalidkiisa iyo isaga, waxaan ku dhahay Arsenal mustaqbal maku lahan Harry waana fasaxan yahay.”

“Waxaan fasaxnay mar uu jiray 11 mise 12 sano, shaqada noocan ah ayaaba sidaas ah oo waxba mala saadaalin karo. Haddii ay sahlanaan lahayd saadaashu, wax walba waanu ku guulaysan lahayn.”

Halkan waxaa kaaga cad in Harry Kane iyo Arsenal waa hore kala tageen, cuqdad ayuuna ka qaaday markii ay ku dheheen laacib mustaqbal yeelan karo ma tihid ee sii soco. Sidaa darteed, marnaba malaga yaabo wixii uu Sol Campbell sameeyay in uu sameeyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *