Falanqaynta kulanka: 3 Sheey ayaan ka baranay guushii maanta – Arsenal 2-1 – Notts

Waan Ku salaamay, Kusoo dhawoow markale Arsenal Somali Fans website.

Arsenal ayaa maanta kulankeedii ugu horeeyay ciyaartay horyaalka cusub ee 2023/24, waxayna ku badisay 2-1 oo ay kaga adkaatay kooxda Nottingham Forest.

Billoowgii kulanka ayaa 30 daqiiqo dib u dhac ku yimid ka dib markii systemka tikityada cusub oo digitalka ah ay cilad ku timaaday, balse kulanka ayaa 30 daqiiqo ka dib si caadi ah u billowday.

Inkasta oo uu yahay kulankii ugu horreeyay, haddana waxaa jirta in aan wax badani ka baranay, balse waxaan kusoo koobeynaa 3 sheey oo mihiim ah oo inooga baxay kulankaas.

1- Shaxda cusub

  • Arteta ayaa kusoo galay shax cusub oo ahayd in uu Gabriel Magalhaes fadhiisay, Partey kusoo galay baalka midig ee difaaca ah. Waxaa sidoo kale wada saftay saddexda ciyaaryahan ee cusub. Shaxda ayaa badankeed ahayd sidatan:
  • Shaxda waxay ahayd: 4-3-3 … Kubbadda Arsenal markay qabsatay waxay isu badalaysay 3-4-4, Partey ayaa dhexda galayay, weerarka waxay isu sii badalaysay 3-1-6. Lixda hore ayaa waxay ahaayeen: Martineli, Havertz, Rice, Nketiah, Odegaard, Saka. Waxaana ka dambeeyay Partey, waxaana daba taagnaa White, Saliba iyo Timber/Tomi
  • Arsenal ayaa wax badan kubbadda haysatay, goolasha muhiimka ahna markii ay dhaliyeen, ciyaarta ayaa iska qaboowday inkasta oo dhamaadki ay xoogaa xil iska saareen in aanan been been looga keenin goolka bar bar dhaca, waxayna xaqiijiyeen in ay helaan dhammaan dhibcihii yaalay.

2- Tirada ciyaartooyda fadhida oo aad u fiican/Very good squad depth.

  • Sababihii ay Arsenal ku qaadi weysay sanadkii hore ayaa waxay ahayd in ay yaraayeen tirada iyo tayada ciyaartooyda u fadhisa kooxda oo ugu dambayn khasaaro kasoo gaartay. Balse sanadkan ayaa waxaa muuqato in ay Arsenal haysato tirada ama tayada ciyaartooyda ugu fiican horyaalka oo xittaa Man City ka fiican. Man City daafaceeda ayaa aad u adag, Arsenal waa la mid, basle Arsenal ayaa haysata baalasha weerarka ah kuwa ugu fiican horyaalka.

3- Thomas Partey/Declan Rice

  • Thomas Partey ayaa waxay u muuqataa in uu ku yimid nusqaan dhinaca tayada kubbaddiisa, waxaana ila haboon in ay Arsenal iska iibiso seasonkan. Rice ayaa dhinaca kale u muuqda in uu yahay ninkii Arsenal ay u dhutin jirtay, waxaana uu soo bandhigay awoodo aan caadi ahayn. Waxaana ka mid ah, in uu orod badan yahay, in uu raacashada ka daalaynin oo energy aad u badan haysto, waa machine dhexda furaheeda lagu aamini karo.

 

Waxaa intaas ku eg falanqaynta kulanka maanta. Waad ku mahadsantahay in aad akhrisay.

Fikirkaaga ka dhiibo kulanka maanta adiga oo dhanka commentska hoose noogu sheegaya.

Mahadsanid.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *