Saka oo biila boqolaal qofood: Qaabkee?

Weerarka Social Media

Aalada twitter oo hadda loo yaqaano X, Facebook, Youtube iyo meel walba oo wax lagu qoraa waxay hadal haayaan Bukayo Saka in uu yahay cayaaryahan World Class ah iyo in kale.

Maalmo ka hor ayaa waraysi yar uu bixiya Jamie O’Hara oo ah ciyaaryahan hore balse hadda la shaqeeya idaacada Talksport oo ka dhisan Ingiriiska ayaa ka mid ah dadka hadal haynta Bukayo Saka meel walba la taagan.

Comment uu bixiyay ayuu ku sheegay in Cole Palmer uu yahay ciyaaryahan world class ah halka Bukayo Saka uusan heerkaas wali gaarin.

Waxaa falcelin culus ka bixiyay taageerayaasha Arsenal meel walba ee ay joogaan, iyaga oo ka diiday arrinkaas, waxayna ku adkeesteen in Saka uu yahay laacibka ugu fiican baalaha ee adduunka.

Waxaa meesha iiga caddaatay in ay jirto qorsho afka ingiriiska lagu yiraahdo ”Rage-baiting” oo micnaheedu tahay in dadka laga xanaajiyo si ay falcelin online-ka ah sameeyaan oo meeshaas laga helo engagement isugu jirta views, comments iyo likes fara badan.

Doontaas cidwalba ayaa maalmahan saaran oo aad uga kaluumaysata. X ama twitter ayaa wuxuu bixiyaa lacag sida facebook iyo youtube, content-giisu se wuxuu uga duwan yahay in qoraalladaada keliya aad u baahan tahay in ay viral kuu noqdaan oo dad badani ka falceliyaan si aad lacag uga sameyso.

Tweetska Arsenal iyo Bukayo Saka looga hadlo ayaa aad u hela views badan, waa arrin caddayn u ah in ay Arsenal haysato taageero aad u fara badan oo dunida kuwada faafsan.

Idaacadda Talksports ayaa soo saartay barnaamaj cusub ee ka baxa kanaalkooda youtube oo lagu magacaabo Inside Gooners oo aan filaayo in uu yahay barnaamaj khaas ah oo arrimaha Arsenal keliya lagu falanqeeyo.

X waxaad ugu tageysaa tweets wada ah;

  • Who is better: Saka vs Lamine, ama Saka iyo Foden ama Saka iyo Doku ama Saka iyo Palmer
  • Saka ma world class baa mise maahan
  • Palmer ayaa ka fiican Saka
  • Palmer waa world class, Saka maahan

Saka waa ciyaaryahan aan maqnaani, dhaawacmin, oo Arsenal aad usoo jiiday sanado ka hor markay hooseysay, waa ninka kaliya oo weerarka Arsenal isbeddel kulan kasto sameeya.

Xilli ciyaareedkan, kulan kaso wuxuu sameeyay Assist, goolalna wuu dhaliyay.

Waxay ilatahay Saka inuu yahay ciyaaryahanka ugu wanaagsan adduunka.

Palmer waxaan ogolaanaayaa in uu la tartamo Saka markuu 4 sano isku xigto howsha saka camal qabto oo consistent ahaado.

Waxaan kula talinaayaa taageerayaasha Arsenal in aysan falcelin ka sameynin markay arkaan qoraalada lagu liidaayo Saka waayo kuwa rasmi ah maahan oo waxay ula danleeyihiin in ay helaan views keliya.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *