Arrinta arggaggaxa leh ee loo sheegay ex-Arsenal ciyaaryahan isaga oo garoonka ku jira

Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe Arsenal Guendouzi ayaa loo sheegay in ay tuugo u dhacday gurigiisa oo ay joogeen xaaskiisa iyo ilmo uu dhalay.

Arrintan ayaa dhacday intii ay socotay kulan saaxiibtinimo oo ay kooxdiisa Marseille la leheed Bayer leverkuson habeenkii Arbacada.

Halkan ka arag markii loo sheegay arrintan.

https://twitter.com/StoolFootball/status/1687458832773939200

Guendouzi ayaa arggaggax ka muuqdo markii loo sheegay dhacdada, wuxuuna aad uga welwelay reerkiisa iyo dhibaatada soo gaartay.

Waxaa la sheegay in ay tuugada soo jabsadeen daaqadda qolkiisa jiifka ah, waxayna meeshaas kaga xadeen saacad Rolex ah oo qiimaheedu dhan yahay laba boqol iyo konton kun oo dollar.

Xaaska Guendouzi, Mae.
Xaaska Guendouzi, Mae.

Dhawaqa jabinta daaqada ayaa waxaa maqashay xaaskiisa, ka dibna booliska durbadiiba u wacday.

Guendouzi iyo reerkiisa ayaa dagan xaafadda Cassis, waa magaalo xeebeed oo aad u qurux badan oo ku taala Marseille.

Kolasinac oo sidoo kale ay iskala ciyaari jireen kooxda Arsenal oo isna deggan xaafaddan ayaa sidoo kale tuugo u dhacday horraantii sanadkan ee january.

Waxaa sanadahan soo batay in loo dhaco guryaha ciyaartooyda ka ciyaarta dalka faransiiska.

Faransiiska ayaa waayahan dambe isu badalaya waddan aan amaankiisa gudaha sugnayn sababo ku aaddan siyaasadda dalka iyo dhaqaalaha oo dad fara badani aysan ku qanacsanayn.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *