Arsenal iyo xilli-ciyaareedkii tegay: Ma guul buu u ahaa mise khasaaro?

Waxaa si toos ah usoo dhamaaday xilli ciyaareedka horyaalada yurub, iyadoo lagu soo khatimay koobka dhaga-weyne oo ay Man City qaadatay markii ugu horreeysay.

Dhanka horyaalka, Arsenal ayaa tobankii kulan ee ugu dambeeyay faraheeda ka baxday horyaalka sababa Arsenal u gaar ah awgood, balse yeeynaan ku dawakhin wararka social media lagu waday oo lagu beegsanayay Arsenal.

Mashruuca Arsenal iyo Arteta ayaa maraya meeshii ugu sarreysay, waxaana cad in uu xittaa kasoo hormaray hal-beegsiyadii loo dhigay xilli ciyaareedkii tagay. Waxaa xaqiiq ah in aysan Arsenal diyaar u ahayn tartan horyaal, balse awooddooda oo aad u sarraysay sababtay in ay tartan aysan diyaar u ahayn gallaan, ugu dambeynna waxaa ka daba timid xaddidaadyadii ay haysteen. Taas oo ahayd, in aysan haysan rag beddel ah oo tayadoodu u dhiganta 11-ka koowaad ee kooxda.

William Saliba ayaa ahaa halbowlaha daafaca Arsenal, habeenkii uu dhaawaca galay ayaana ugu dambeeysay isku hallayntii kooxdu ay ku qabtay daafaceeda guud. Tomi oo isna isla habeenkaas dhaawac galay ayaa ahaa ninka ugu muhiimsanaa dhinac boos buuxinta garbaha iyo bartamaha daafacaba ayaa meeshaas ku baxay. Haddii uu xittaa Tomi u hari lahaa Arsenal, aad bay u cayman lahaayeen oo waxaa CB lagu soo celin lahaa White, dhibaato badanna ma iman lahayn.

Taageerayaasha la xafiltama Arsenal oo ay ugu weyn yihiin reer dudaaye ayaa u muuqata in ay ka maseersanaayee horumarka ay Arsenal samaynaysay, gaar ahaan qaabka cusub oo ay Arsenal u weerartanto iyo kubbadda macaan ee uu la yimid tababare Arteta. Waxaana ay isku dayayeen in ay arkaan Arteta oo guul darraystay. Waxaad xasuusataa in ay lahaayeen Ole ayaa ka fiican Arteta, balse waxaa u caddaatay in Arteta uu yahay ninka sida dhabta ah ula tartami karo Pep Guardiola  oo aan aaminsanahay inuu yahay GOAT of football managers.

Marka haddii aan runta kuu sheego, xilli-ciyaareedkii tegay ayaa Arsenal u ahaa guul aad iyo aad u baaxad weyn. Waxaa meeshaa ku caddaatay in Arteta uu dhisay koox aan ka liidanin Man City, dhinaca taaktikada iyo qaab ciyaareedkaba. Waxaa keliya ka dhimman rag culus oo khadka dhexe qabta. Partey waxaa ka lumay awooddii orodka oo lugihiisu wey tageen, Jorginho sidoo kale. Marka, Arteta ayaa u baahan ciyaartooy firfircoon oo awood u leh in ay orod meel walba ku maraan, kubbadda Arial duels-ka ku tartami karaan oo aan dhexdooda lasoo mari karin.

Waxaa cad in uu Arteta calaamaystay in ragga uu doonayo ay yihiin Rice iyo Caicedo. Labaduba waa ay rabaan in ay kusoo biiraan Arsenal, waxaana filayaa in ay lacag badani ay u quuri doonto in ay Arsenal bixiso si ay ula soo wareegta labadaa xiddig. Waxayna noqon doonaan dhamaystirkii uu Arteta rabay si uu u qaado horyaalka. Arrintan ayaa u dhiganta markii ay Liverpool lasoo wareegtay Allison iyo Van Dyke, ka dib na ay horyaalka qaadday durbadiiba.

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *