Kulankii xalay iyo sababta Arsenal u hartay

Arsenal ayaa xalay ka hartay tartanka Europa League iyadoo ku ciyaaraysay gurigeeda Emirates Stadium. Kooxda Sporting Lispon ayaa soo bandhigtay ciyaar adag, waxayna nafta ag dhigeen in natiijo fiican helaan, nasiib wanaag, waxaa ay ku adkaadeen kubbad laad oo lagu soo gaba gabeeyay kulankii xalay.

Arsenal miyeey ka tiilay?

Jawaabta waa maya, tababare Arteta, qaab ayuu isugu soo diyaariyay, wey ku filnayd in ay Arsenal badiso, balse waxaa ka hor yimid caqabado kala duwan oo kulanka waji ka duwan kii la filayay u sameeyay.

Daqiiqado badan ayay Arsenal sidii lagu yaqiinay haysan weyday kubbadda, balse, waxaa u suurto gashay in ay ciyaarta maamulaan kubbadda mar walba oo ay lugtooda ka maqnayd. Sporting mar walba oo ay kubbadda haysteen, xaalado halis ah oo weerar ma u suurto galin in ay sameeyaan, sababtoo ah waxaa aad u adag qaabka ay Arsenal u difaacato.

Maxaa sababay in ay Sporting loolan intaa le’eg la gasho Arsenal?

Waxaa u sababay khadka dhexe Arsenal oo lagu soo bilaabay Jorginho iyo Vieira, raggan kubbaddooda waa fiican tahay balse awood fiican malahan, waxaa dhihi kartaa siiba Jorginho waa loo orod sheegtay.

Waxaad sidoo kale ogaataa Arsenal waxay iska ilaalinayeen in ay la kulmaan dhaawacyo, nasiib xumo, taasi wey dhacdey, oo labaatankii daqiiqo ugu horreeyayba waxaa dhaawac u baxay laba difaac, Tomiyasu iyo Saliba. Waxaan rajeyneenaa in aysan ahayn dhaawacyo culus.

Arsenal waa koox weyn, ciyaaryahan walba oo adduunka joogo markuu fursad u helo in uu la ciyaaro koox weyn sida Arsenal, wuxuu u ciyaaraa kal iyo laab, micnaha, naf iska qaad ayeey u ciyaaraan. Tababare Arteta wuxuu sheegay in kulanka uu isu badalay qaab aysan doonaynin.

Kolay waxaan isleeyahay Arteta wuxuu is weydiinayay raggan dagaal bay la yimaadeen, ma boqolkiiba boqol baad la dirirtaa mise waxaad ilaashataa ciyaartooydaada iyo horyaalka oo meel muhiim ah xaaladdiisu marayso?

Saas ay tahay, wax fursado fiican maysan ka helin kooxda, goolkaas oo qarnigiiba hal mar dhasha bay nasiib ku heleen oo bar bar dhaca u keenay, ka dib na waxay iska galeen daafac. Partey markuu soo galay, khadka dhexe waa laga soo ceshtay, sidaas bayna difaac ku xirteen.

Saameynta kulankii xalay

Wax welwel ah yeeysan kuu keenin natiijadii xalay, waxaaba suurto gal ah in ay faaiido badan noogu jirto oo horyaalka aan u heli doonno fursad aan kulan kulan xoogga ugu saarno.

Waxaan sugnaaba waa in ay ciyaartooyd si deg deg ah jirkooda usoo kabsado, si kulanka xiga ee Crystal Palace uu u noqdo mid aan ka wada qaadano saddexda dhibcood.

Patrick Viera ayaa maanta shaqadii Crystal Palace laga ceeyriyay, kulanka xigana waxay la leeyihiin Arsenal, waxaan soo xasuustay Everton iyo wixii ka dhacay Goodison Park. Balse u malayn maayo tan in ay arrintaas camal sababi doonto oo waxan loogu yeero new manager bounce uusan dhici doonin laba sababood awgood. Koow, kulanka wuxuu ka dhici doonna guriga Arsenal, laba, tababare Sean Dyche ma qaban doonno Crystal Palace.

 

 

One thought on “Kulankii xalay iyo sababta Arsenal u hartay

  1. Aad iyo aad faa iido badan ayaa ugu jirta arsenal iney xalay harto khamista ciyaar hadana axada waa ku dhib arsenal sababto ah ma hystaan ciyartoy ukala hadha sidaas darted arsenal sanadkan waxaa umuhiim ah horyaalka
    Mida tababare arteta hadii uu si dhab ah urabey iney so baxdo koxdisa wuxuu soo safan laha. 11 ka ugu fcn half ka horeba runtii wan ku farxsanhy inaan ka hadhnay insha allh Europe league danbena ilaahy naguma so celiyo insha allh
    This year arsenal will win English Premier league 2023 and next uefa champions league 2024 bi idnilahi baari

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *