Match Preview: Falanqaynta kulanka furitaanka Arsenal ee Horyaalka cusub. Maxaa cusub? Iyo Saadaalinta!!

Waan ku salaamay, Kusoo dhawoow markale Arsenal Somali Fans

Waxaan sugnaaba waxaa berri bilaambi doono hadduu Alle idmo horyaalka cusub ee Premier League. Waxaa lagu furi doonnaa kulanka u dhexeeyaa kooxda Burnley oo hadda dib ugu soo biirtay Premier League iyo Manchester City.

Arsenal ayaa kulankeeda dhici doonnaa maalinta sabtida hadduu Alle idmo, waxayna foodda is dari doonaan Nottingham Forest. Waxaa lagu ciyaari doonna guriga Arsenal Emirates Stadium.

Arsenal ayaa 6 jeer kaliya lagaga adkaaday gurigeeda  21 jeer oo ay gurigeeda ku billoowday kulanka ugu horreeya ee ciyaaraan Premier League-ga cusub tan iyo billoowgii. Nottingham Forest ayaa ka mid ahayd kuwii ay kaga guulaysatay kulanka koowaad sanadkii 1998.

Kulankii ugu dambeeyay ee ay isku arkaan Emirates wuxuu ahaa sanadkii hore oo ay Arsenal 5-0 ku adkaatay. Inkasta oo Nottingham si lama filaan ah kaga guulaysatay Arsenal horyaalka markuu dhamaanayay oo ay Arsenalna ka rajo beeshay hanashada horyaalka.

Wararka xulka Arteta uu haysto

  • Arteta uma wacan karo Zinchenko iyo Gabriel Jesus dhaawac awgiis, waxaa kale uusan u wici karin Mohamed Elneny iyo Sambi Lonkonga inkasta oo uusan ka wel weli doonin maqnaashaha labadaas dambe.
  • Jorginho ayaa isna la hubin in uu diyaar ahaan doonno iyo in kale maadaama uu dhaawac yar soo gaaray gabagabadii pre-seasonka.
  • Forest ayaa waxaa ka maqnaan doonaan goolhayahooda kooowaad iyo daafaca Mousa Niakhate iyo Omar Richards

 

Arsenal line upka ay kusoo gali karto waakan:

(4-3-3): Aaron Ramsdale; Ben White, William Saliba, Gabriel Magalhaes, Jurrien Timber; Martin Odegaard, Thomas Partey, Declan Rice; Bukayo Saka, Leandro Trossard, Gabriel Martinelli.

Nottingham Forest line upka ay kusoo gali karto waakan:

(3-5-2): Matt Turner; Joe Worrall, Willy Boly, Scott McKenna; Serge Aurier, Ryan Yates, Danilo, Orel Mangala, Ola Aina; Morgan Gibbs-White, Brennan Johnson.

 

Saadaalin;

Waxaan ku saadaalinaynaa in ay Arsenal dhalin doonto goolal badan, maadaama ay daafaca Arsenalna uu wada dhan yahay, waxay u badan tahay in aan wax gool ah laga dhalinin.

Arsenal 3-0 Forest 

Saadaashayda waa guul aan dhib laga marin, hadduu Alle Idmo.

 

One thought on “Match Preview: Falanqaynta kulanka furitaanka Arsenal ee Horyaalka cusub. Maxaa cusub? Iyo Saadaalinta!!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *