Qaabkee Arsenal iskaga saari kartaa Yoraba Liig?

Waxaa usbuucan la ciyaari doonaa kulamada tartanka Yoroba Liig oo ay ka mid tahay Arsenal. Qof walbaa wuxuuse is weydiinayaa muhiimad heerkee ah buu tababaraha Arsenal Arteta siin doonaa tartanka Yoraba Liig. Waxaa hubaal ah in kulamada Yuroba Liig ay mar waliba dhextaal u noqon doonaan kulamada Horyaalka oo ay kooxdu ku haminayso in ay hanato markii ugu horreysay tan iyo 2004-tii.

Waxaa horyaalka ka hartay 12 kulan oo mid walbaa uu la mid yahay koob fiinaal ah adigoo dheelaya, su’aasha waxay tahay, Yoraba Liig ma u qalmaa in uu khal khal geliyo tartanka horyaalka?

Yoraba in ay kooxdu ku guuleysato waa arrin iyadaba muhiim ah balse miyuu ka muhiimsan yahay Premier League? Jawaabtu waa MAYA. Sidaa darteed, Arteta waa in uu isku dayaa qaabkii uu uga badbaadi lahaa carqaladayn ka timaada tartanka Yoraba Liig, waa in uu boqolkiiba boqol soo xulaa ciyaartooy ka duwan 11-ka joogtada ugu safato kooxda.

Arteta ma iska badbaadin karaa Yoraba Liig?

Qaabka keliya ee uu ciyaartoyda kaga ilaalin karo dhaawac bilaa micna ah oo kasoo gaara Yoraba Liiga waa in uu kusoo bilaabaa 11 ciyaaryahan oo ka duwan kuwii uu kusoo bilaabay kulankii lasoo dhaafay. Balse taasi suurto gal ma tahay? U malayn maayo.

Waxaa dhaawac ku maqan xiddigaha kuwii la hubay inay safan lahaayeen sida Maxamad Elneny iyo Nketiah, sidaa darteed waxay noqon doontaa in uu baddal badan sameeyo balse xiddigaha 11-ka koowaad qaarkood ayaa lagu soo bilaabi doonaa.

Arteta yuu soo safi karaa?

Doorashada Goolhaya dabcan waa fudeyd oo waxaa soo safan doona wiilka Ameerikaanka ah Matt Turner oo awalba kulamadan safan jiray xilli ciyaareedkan.

Dhanka difaacyada, Tiereney ayaa beddeli doona Zinchenko, Gabby iyo Saliba midkood ama labadooduba waa soo safan doonaan iyagoo la ciyaari doona Holding ama Kiwior oo kulankiisii ugu horreeyay kooxda u safan doona. Dhanka midig ee difaaca ayaa waxaa suurto gal ah inuu soo bilaabo Ben White maadaama uu kulankii ugu dambeeyay la nasiyay. Balse waxay ila tahay in Tomiyasu la ciyaarsiin doono si Ben White kulanka horyaalka toos loogu soo bilaabo.

Dhexda waxay ila tahay inay ciyaari doonaan Xhaka, Jorginho iyo Vieira ama Odegaard. Weerar waxaa ka soo muuqan doona Smith-Rowe, Reiss Nelson, iyo Saka ama Martinelli.

Arteta wuu heli karaa inuu dhammaan wada beddelo balse dhaawacyada jira ayaanan u suurto gelineynin inuu dhammaan wada nasiyo xiddigihiisa koowaad.

Yoraba haddiiba la iska saaro kawarama?

Arsenal ayaa waxaa dan ugu jirta in ay Yoraba iska saaraan, taas waxay aad u caawinaysaa halgankooda hanashada horyaalka Premier League oo muddo fog ugu dambeysay.

Taladayda waxay tahay in Arteta uu ciyaarsiiyo koox liidato oo ay ku jiraan dhalinyarada 21 jirrada kooxda si ay u bad-baadsadaan halganka horyaalka. Arsenal haddii ay sidaan sameyso waxay mujiinaysaa in ay diiradda si xooggan u saartay hanashada horyaalka, waana arrin aan ku amaani doono tababare Mikel Arteta.

Ugu dambeyn, wax yaalaha uu ku fiican yahay Yuroba Liig waxaa ka mid ah haddii aad qaadid in aad ku heshid boos aad kaga mid noqotid tartanka Championsn League.

Waxay u badan tahay Arsenal in ay booskeeda Champions League sanadkaan banaankaas cad dhigatay, sidaa darteed sabab kale oo nafta la isaga qaado Yoraba Liig oo horyaalkana la iskaga dhibaateeyo iimaba muuqato.

Waad ku mahadsan tahay akhrinta qoraalkan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *