Raggan yaa booskoodii inoo buuxiyay? Kaalay ila arag jawaabtan aan kuu hayno!!

Waan ku salaamay, Kusoo dhawoow barta Arsenal Somali fans.

Ozil iyo Sanchez ma taqaanaa?

Waxaan xasuusannaa waayihii aan lasoo marnay Mesut Ozil iyo Alexis Sanchez oo aad iyo aad u kala kiciyay Premier League. Waxaa ay Arsenal dib ugu soo celiyeen guulashii koobabka halkaas oo kula guulaysteen kooxda Koobka FA Cup.

Ozil ayaa 2014 kii hormuud ka ahaa in ay Arsenal dib ugu guulaysato koob sagaal sanno ka dib, halka uu Sanchez na la qaaday FA Cup ka isla sanadkii ku xigay ee 2015.

Ozil waxaa uu ka mid ahaa gool caawiye kuwii ugu wanaagsanaa ee soo mara premier league iyo yurub guud ahaan. Alexis sanchez wuxuu ahaa nin goolal iyo caawinba lahaa, dadaalkiisuna xad dhaaf ahaa.

Ozil wuxuu soo bandhigi jiray kubbad aad u macaan, baasas aadan filanaynin iyo goolalba. Halka Sanchez aan ka yaabi jirnay in uu daalo iyo inkale, waxaan is weydiin jirnay matoor noocee ah baa ku xiran mise shidaal noocee ah buu cabaa Sanchez.

Numberada ay sameeyeen

Ozil waxaa uu Arsenal u dhaliyay 44 goals, wuxuuna caawiyay 79 goals.

Sanchez wuxuu Arsenal u dhaliyay 80 goals, wuxuuna caawiyay 45 goals.

Raggan waa ay soo xamaasheen, balse hadda yaa booskaas buuxin kara ayaad is leedahay?

Waxay u badan tahay booska Alexis nin buuxiyay inaan haysano waana Gabriel Martinelli, balse booska Ozil ayaa weli aad u caddeyn cidda buuxin karta. Odegaard ayay dadku badanaa soo hadal qaadaan, balse, run ahaantii, Odegaard assist badan ma sameeyaa waaye su’aasha?

Martinelli waa uu leeyahay qaab ciyaareedkii Alexis Sanchez, dadaalkii iyo orodkii looga bartay wuu leeyahay. Sidaa darteed waxaan siiyay booskii Alexis Martinelli in uu buuxiyay.

Waxaa sidoo kale booskiisa aynaan weli haynin waa Santi Cazorla, ninka mucjisada Emirates ka dhigi jiray oo aan weli wax inoo buuxiya booskii aan jirin. Cazorla ciddii daawatay baa taqaan, wuxuu ka mid ahaa khad dhexe kuwa ugu xariifsan ee abid soo mara naadiga Arsenal.

Hadde waa kaas, Ozil baa booskiisii la la’yahay. Sidee kula tahay?

Comments ka nagula wadaag fikirkaaga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *