Saka ayuu u sii qaadaa xarunta tababarka! Waa kuma?

Waan ku salaamay, Kusoo dhawoow Arsenal Somali Fans.

Isku xirnaanshaha kooxda

Tan iyo markii uu Arteta qabtay hoggaanka kooxda Arsenal, waxaa dib u dhashay isku xirnaanshaha ciyaartooyda, siku xirnaanshaha iyo jacaylka u dhaxeeyaa taageerayaasha iyo ciyaartooyda. Arteta ayaa sameystay koox dhalin ah oo aad u firfircoon kuwaas oo aan wada rajeyneeno in ay dib horyaalka ugu soo celiyaan North London.

Wakaalada wararka Athletic ayaa sheegtay kabtanka Arsenal in uu lift siiyo Saka isaga oo marar badan usii qaado xarunta tababarka kana soo celiyo. Odegaard ayaa sidoo kale la sheegay in uu marar badan qadada la cuno shaqaalaha caadiga ah ee kooxda. Waxay ku tusinaysaa in uusan ku jirin wax isla weyni ah oo dhan.

Odegaard iyo saka ayaa waxay u egtahay saaxiibtinimadooda in ay heer sarre gaarayso. Kolay Saka waa haysayaa hal gaari iyo kabadan ba’ balse waxaa uu doorbiday in saaxiibkiis ay is raacaan.

Mar dhaway oo u lahadlay Sky Sports, Odegaard wuxuu yiri:

” Wada jirka ayaa ah tan ugu qiimaha badan ee kooxdan, waxaan nahay sida hal famil oo aad isku caawiyaan. Naadiga iyo Arteta ayaa sameeyeen shaqo aad u fiican maadaam ay dhiseen dhaqankan wanaagsan ee hadda ka jira kooxda.”

Wuxuu kaloo yiri:

“Kubbadda maanta waxay u baahan tahay in ay kooxdu aad isugu xirnaadaan, dagaalka isugu hiiliyaan, sidaas waaye waxa aanu sameyno hadda. Sababtaas ayay kalsoonida aan isku qabno ay u weyn tahay maxaa yeelay waanu is wada aaminsannahay.”

 

Arsenal ayaa doonaysa in ay kasii wanaajiyaan heerkii ay gaareen sanadkii hore, kaas oo ah in ay horyaalka sanadkaan xaqiijiyaan in ay ku guuleystaan.

Ciyaartooyda cusub ee kala ah Declan Rice, Timber iyo Havertz ayaa la filaayaa in ay kaalin weyn ka qaataan tartanka sanadkan oo Arsenal u bilaabmaya sabtida soo socota hadduu Alle idmo.

Guushii ugu dambeysay ayaa waxay siisay ciyaartooyda guul maskixiyan ah, waxayna biloow u tahay in aysan dib dambe uga welwelin kooxda Man City.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *