Suuqa kala iibsiga: Xiddigga Barcelona oo Arsenal rabto in ay lasoo wareegto waa kuma?

Waan ku salaamay, Kusoo dhawoow Arsenal Somali Fans.

Suuqa kala iibsiga

Waxaa si hoose u socda xan ku aaddan in ay Arsenal doonayso xiddigga reer Barcelona ee Ansu Fati. Laacibkan ayaa ka qalin jabiyay La Masia, sikuulka kubbadda cagta ee Barcelona, wuxuuna ka mid ahaa laacibiinta isha lagu hayay tan iyo sanadkii uu u saftay Barcelona. Goortii ugu horreysay ee uu u safto ayay da’diisu ahayd 16 jir, haddana waa labaatan jir.

Arsenal ayaa kooxda Barcelona u gudbisay dalab lacageed oo gaaraya 31 milyan oo euros oo ay ku doonayeen xiddigga reer catalan ee Ansu Fati.

Isku daygii koowaad ayay Barcelona ka diiday in ay dhageysato, waa sida uu soo wariyay wargeyska onlineka ah ee Football Transfers.

Ansu Fati ayaa waxaa hayo dareen ah in uusan Xavi u baahnayn maadaama ay yaraatay in uu kasoo muuqdo safka koowaad ee Xavi soo xulanayay dhammaan sanadkii hore. Taas ayaa waxay u muujinaysaa Ansu in uusan sanadkanna daqiiqado badani uusan heli doonin.

Arteta ayaa la sheegay in uu aad u taageero xiddiggan da’da yar, wuxuuna isku dayayaa in uu ka faaiideysto inta ay jirto xaaladdan ah in uusan Xavi wax ballan qaad ah ka heysanin in uu si toos uga soo muuqan doonno xulka safka hore ee Barcelona u ciyaari doonna horyaalka hadda bilaabanaya ee La Liga.

Arteta ayaa dhowr jeer ka dhawaajiyay in aysan weli si toos ah uga bixin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, taas oo inoo sheegeysa in ay jirto fursad ay Arsenal kula soo wareegto hal ama laba ciyaaryahan.

Dhaawaca Gabriel Jesus

Arrintan ayaa suurto gal ah in lasii dar dar geliya maadaama uu wakhti xun dhaawac ka galay weeraryahan Gabriel Jesus oo ahaa gool dhaliyaha koowaad ee kooxda haysatay. Waxaase suurto gal ah in booskaasi uu buuxin doonno laacibka da’da yar ee Nketiah in kasta oo taageero badani aysan aad ugu kalsoonayn in uu buuxin karo booskii Gabriel Jesus. Rajaduse waxay tahay Gabriel in uusan maqnaan doonnin wax bil ka badan.

Akhriste, maxay kula tahay in ay Arsenal lasoo wareegto Ansu Fati?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *