Xulka uu Arteta maanta haysto yaa ugu muhiimsan? Kaalay ila arag!

Ku soo dhawoow Arsenal Somali Fans

Waxaa galabta foodda is dari doonna Arsenal iyo Manchester City, kuwaas oo wada ciyaari doonna koobka furitaanka horyaalka ee Community Sheild.

Waxaa dhaawac kasoo laabtay Zinchenko, waxay ila tahay in uusan ciyaari doonin maadaama uu dhaawac kasoo kacay, welina helin tababar fiican. Zinchenko ayaa xalay ka qaybqaatay kulan Charity ah oo ay u qabteen waddankiisa oo ay dagaaladu saameeyeen. Wuxuu ciyaaray 11 daqiiqo kubbad iska fudud.

Wuxuu yiri “Waan ku faraxsanahay in aan soo laabto, waxaan dareemayaa firficooni inkasta oon u baahnahay tababar, balse tababaraha ayaa go’aan ka gaari doono in aan safto kulanka berri iyo in kale.”

Waxaa xanuun ku maqnaa kulankii ugu dambeeya Bukayo Saka oo ay suurtogal tahay in uusan soo safanin maadaama uu weli xanuunsan yahay. “Bukayo waa uu roonyahay, maanta tababarkii wuu nala qaatay” sidaa waxaa yiri tababare Arteta.

“Waxaan filaayaa in aysan cidkale naga maqnaan doonin, ciyaartooydana waxay u tahay dhiiri gelin maadaama Declan Rice na uusan ka qayb gelin in badan oo pre-season ka ah, Nelson-na sidoo kale Amerika aan uga soo dirnay dhaawac soo gaaray dartiis.”

Arteta ayaa sidoo kale sheegay in ay u baahan yihiin in ay hoos u dhigaan ama tirada ciyaartooyda xaadirkan joogto naadiga, kuwaas oo ka badan intii loo baahnaa.

Waxaa hubaal ah in uu usbuucyada hore maqnaan doono Gabriel Jesus balse Arteta ayaa haystaa xul tiro iyo tayaba leh, kaas oo siin doonno madax xuun uusan aad u nici doonin.

Waxaan halkan ku haynaa xulka diyaarka u ah kulanka maanta:

 

Goalkeepers: Aaron Ramsdale, Matt Turner, Runar Alex Runarsson, Karl Hein

Defenders: Jurrien Timber, Takehiro Tomiyasu, Gabriel Magalhaes, William Saliba, Kieran Tierney, Ben White, Jakub Kiwior, Rob Holding, Oleksandr Zinchenko

Midfielders: Declan Rice, Kai Havertz, Martin Odegaard, Thomas Partey, Leandro Trossard, Fabio Vieira, Jorginho

Attackers: Bukayo Saka, Eddie Nketiah, Gabriel Martinelli, Emile Smith Rowe, Folarin Balogun, Marquinhos, Reiss Nelson

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *